Warar dheeraada oo kasoo baxaya Dagaal ka dhacay deegaanka Goofgaduud buureey

HomeWararka

Warar dheeraada oo kasoo baxaya Dagaal ka dhacay deegaanka Goofgaduud buureey

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo Xalay dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Goofgaduud buurey oo qiya

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Laamaha Hay’addaha UN-ka ee Puntland (Sawiro)
Ciidamo ka tirsan Kenya oo qarax miino lala eegtay
Magaaladda Bosaaso oo lagu qabtay Shirka Wacyi-galinta Iyo la dagaalkan cudurka COVID-19.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo Xalay dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Goofgaduud buurey oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanka uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab dagaal xoogan oo qaatay in ka badan hal saac oo xiriir ah, kaasoo la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Xalay ku dhexmaray deegaanka Goofgaduud buureey ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Deegaanka Goofgaduud buureey waxa uu ka mid yahay deegaanada istaraatiijiga ah ee laga difaaco magaalada Baydhabo oo maamulka Koonfur Galbeed u ah Caasimada ku meel gaar ah.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaan oo ay mudo kooban haysatay, islamarkaana ay dib ula wareegeen deegaanka ciidamada dowladda Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: