Maxkamadda Gobolka Banaadir oo bilawday dhegaysiga 2aad ee dacwadda masuuliyiin loo haysto musuqmaasuq

HomeWararka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo bilawday dhegaysiga 2aad ee dacwadda masuuliyiin loo haysto musuqmaasuq

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa markii labaad u fariisatay dhegaysiga dacwad loo haysto sarakiil hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu eedeeyay m

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadlka Cimilada (Warsaxafadeed)
Saaka & Dunida iyo Najiib Zaki, Daljir Qardho (daawo)
Garoowe: dhalinyaro lagu tababaray socodsiinta ganacsiga iyo suuqgeynta (Muuqaal)

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa markii labaad u fariisatay dhegaysiga dacwad loo haysto sarakiil hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Maxkamadda ayaa maanta la horgeeyay afar eedeeysane oo loo haysto dacwadda la xiriirta musuqmaasuq iyo xatooyi xoolo dadweyne.

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaaba:

1 -Cabdulaahi Maxamuud Osoble,

2- Cumar Macalin Nuur,

3-Saabir Xasan Cabdinuur,

4- Aadan Maxamed Cabdi

Afarta eedeysane ayaa kamid ah 18 eedeysanayaal oo xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeyay falal la xiriira musuqmaasuq.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa maxkamadeynta masuuliyiinta u arka boor-isku-qaris halka falal musuq iyo eex isugu jira si joogto ah loogu eedaynayo madaxda sare ee dalka, ayada oo jagooyin sare lagu taxay ehelada dhaw ee Madaxweyne Xasan Shiikh, masuuliyiin sarena shaqada looga cayriyey kaddib markii ay ka horyimaadeen musuq ay ku keceen masuuliyiin ka agdhow Madaxweyne Xasan Sheekh.

Diiwaanka wararka | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: