Magaaladda Bosaaso oo lagu qabtay Shirka Wacyi-galinta Iyo la dagaalkan cudurka COVID-19.

Magaaladda Bosaaso oo lagu qabtay Shirka Wacyi-galinta Iyo la dagaalkan cudurka COVID-19.

Waaxa maanta Xafiiska Maamulka Gobolka Bari ka qabsoomay shir looga arrinsanyey xaalada cudurka COVID-19 oo aad ugu soo badanaya Dalka, shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka Bari ayaa waxa looga hadlayey sidii bulshada Gobolka Bari looga Wacyi-galin lahaa faa’fitaanka cudurka iyadoo ay Dowladdu wado dadaallo lagu xakameeynayo cudurka COVID-19.

Shirkan ayaa waxa ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada Cafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faraax Xassan, Xildhibaan Axmed Jaamac Diiriye, Xildhibaan Abshir Askar Xuseen, oo iyagu Magaladda Bosaso u jooga sidii loo dar-dar galin lahaa Dadaallada ay Dowladdu kula jirto la dagaalka iyo Xakameeynta Coronavuris.

Sidoo kale shirkan ayaa waxa ka soo qeyb galay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Isu-Duwayaasha Wasaaradaha Cafimaadka, warfaafinta, diinta iyo cadaalada, Isimo, Culumo, Dhakhaatiir, Nabadoono, Haween, Dhalinyaro Iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari.

Guddoomiye Cabdisamad Abwaan, ayaa Bulshada Gobolka Bari ugu baaqay in ay ka taxadaraan cudurka oo ay kala foogaadan af-xirkana ay qaataan talaabooyinka Cafimaad ee ay Dowladdu bixinaysona u dhago nuglaadaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com