Xafiiska difaacaha xuquuqul Insaanka ee Puntland oo Daljir gudoonsiiyay sahaado Sharaf (Sawiro)

HomeWararka

Xafiiska difaacaha xuquuqul Insaanka ee Puntland oo Daljir gudoonsiiyay sahaado Sharaf (Sawiro)

Xafiiska difaacaha xuquuqul Insaanka ee Puntland ayaa Radio Daljir ku maamuusay shahaado sharaf ay warbaahinta Daljir ku mutaysatay difaacida xuquuqda

Jaamacadda Bariga Africa Boosaaso oo Arday Tababar u qabatay (dhegayso)
IMF oo shuruud ku xirtay inay lacag cusub usoo daabacdo Soomaaliya (daawo)
Dareen 4aad: Abaarta Sima iyo Saamaynteeda

Xafiiska difaacaha xuquuqul Insaanka ee Puntland ayaa Radio Daljir ku maamuusay shahaado sharaf ay warbaahinta Daljir ku mutaysatay difaacida xuquuqda bini’aadanimada iyo codsiinta dadka aan codka lahayn.

Munaasibada maalinta xuquuqul Insaanka aduunka oo maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa shahaado sharaftan lagu gudoon siiyey warbaahinta Daljir.

Wasiirka Haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland Marwo Aamina Cismaan Jaamac iyo Wasiirku xigeenka wasaarada Haweenka Marwo Sahra Kiin Cabdi Xirsi ayaa shahaado sharaftaasi xafiiska difaacaha xuquuqul Insaanka Puntland ku maamuusay warbaahinta Daljir waxay ku wareejiyeen Fadumo Deggan Dahir oo meteleysey warbaahinta Daljir.

Warbaahinta Daljir ayaa caan ku ah codsiinta dadka aan codka lahayn iyo u ololaynta ilaalinta xuquuqda aadanaha taasoo mararka qaar loo dhibaateeyo hawlwadeenada Radio Daljir.

Sawiro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: