Kenya: “Weerarkii Mandheera waxaa hoggaaminayay Macalin Iskuul”

Kenya: “Weerarkii  Mandheera  waxaa hoggaaminayay Macalin Iskuul”

Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Wajeer oo ay ku dhinteen 11 qof.

Sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in Ninka hoggaaminayay kooxda ka tirsan AL-shabaab ee weerarkaas geysatay uu ahaa Macalin Iskuul oo degaanka Wajeer ku yaalla.

Magaciisa waxaa lagu sheegay Maxamed Xuseen Xasan oo Bare ka ahaa dugsi hoose oo ku yaalla Wajeer ayey sheegeen in uu ahaa ninka hoggaaminayay weerarka Jimcihii lagu dilay 11 qof ee aan Muslimka ahayn.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu qaaday Bas ka baxay Nairobi kuna socday Mandheera,waxaa la socday 56 qof,waxaana 15 Nin oo uu hoggaaminayay Maxamed Xuseen Xasan ku qabteen inta u dhaxeysa Katuulo iyo War-guduud,halkaas oo ay dadka u kala saareen Muslimiin iyo dad aan Muslim ahayn.

Waxaa ay halkaas ku dileen 11 qof oo 8 ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil Boolis ah oo shaqadooda dib ugu laabanayay halka mid uu ahaa Dhaqtar inta kalena lagu sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Maxamed Xuseen Xasan uu ka tagay Macallinnimada kuna biiray AL-shabab isaga oo aaday gudaha Soomaaliy.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    ADEER SIRDOONKA SAWAXILIGA URAYA EE GORILAHA AH & ALSHABAB WAY WADA SHAQEEYAAN,HAWLGALADANA WAY KA WADA SOCDAAN LKN WAXA LOO DABAAL JOOGTAYNAYO WAA SHACABKA.
    IGA RUMAYSO QAAR BADAN OO NIAROBI,MOMBASA JOOGA OO ALSHABAB AH BAY OGYIHIIN SIRDOONKA KENYA,LKN MA QABANAYAANOO IYAGAABA KEENAY MEESHA!!!!FAHAMTU,OK,DUSHANA WAXAA KALA SII SOCDA WAA CIA,MI6,SIS,ISI.OO AAN U AQAAN FANGAREEYAYAASHA KOOXAHA ISIS,ALSHABAB.
    ALSHABAB+CIA+MI6+NISA=ONE.
    ISIS MADE IN ISRAEL
    ALQACIDA MADE IN U.S.A.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com