Xaalada deegaanka Afbarwaaqo oo maanta degan iyo Odayaasha dhaqanka oo ku baxay

HomeWararka

Xaalada deegaanka Afbarwaaqo oo maanta degan iyo Odayaasha dhaqanka oo ku baxay

Wararka ay Raadio Daljir ka helayso deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay saakay degan, kadib markii shalay ay labo malees

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo la taliyaha Amniga dowladda Itoobiya Gedu Andargacho.? (Akhriso)
Duqayn Diyaaradeed oo kadhacday Kuunyobarow Shabeelaha Hoose (dhegayso)
Maxkamadda Gobalka Nugaal oo Maanta u fariisatay dhegaysiga kiis kufsi & dil ah (Daawo)

Wararka ay Raadio Daljir ka helayso deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay saakay degan, kadib markii shalay ay labo maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen halkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Afbarwaaqo,iyadoona khasaaro lixaad ah uu soo gaaray dhinacyadii dagaalamay, iyadoona haatan ay socdaan dadaalo lagu joojinayo colaada.

Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Mudug ee labada dhinac ayaa waxay ku baaqayan joojinta dagaalka, iyadoo baaqoodu uu daba socdo dadaalo lagu doonayo in xiisadda lagu qaboojiyo.

Inkastoo xaaladda goobihii lagu dagaalamay ay degan tahay ayaa waxaa hadana laga dareemayaa xiisad colaadeed.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in odayaal badan ay maanta ku baxaan deegaanka Afbarwaaqo si ay u dhameeyaan colaada ka soo cusboonaatay deegaankaasi.

Gobolka Mudug ayaa waxaa ku soo noqnoqday dagaal beeleedyada u dhexeeya dadka xoolo dhaqatada ah ee wada dega gobolkaasi,kuwaasi oo inta badan isku haysta arimo la xiriira dhul.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir Bosaaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0