Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo la taliyaha Amniga dowladda Itoobiya Gedu Andargacho.? (Akhriso)

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan magaalada Muqdisho ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo la taliyaha Amniga dowladda Itoobiya Gedu Andargacho.

Kulankaan ayaa ahaa mid aysan shaacin Madaxtooyadda Soomaaliya laakiin ay shaacisay Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Muqdisho, waxana kulankan looga hadlay taageerada dowladda dhexe ee Soomaaliya ee Midnimada Itoobiya.

Amb. Jamaludin Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa xalay bartiisa Facebook ku shaaciyay kulanka La Taliyaha Amniga Qaranka iyo Madaxweyne Farmaajo, ayna is weydaarsadeen waxyaabo kala duwan sida hawlgalka sharci fulinta ee dowladda Itoobiya ka wado waqooyiga Itoobiya.

Amb. Jamaludin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo u muujiyay midnimo iyo taageero ku aadan hawlgalka sharci fulinta ee socda.

Dhawaan ayay aheyd markii xilka laga qaaday Wasiirkii Arrimaha dibada Soomaaliya ka dib markii uu soo saaray warqad uu kaga hadlay Xaaladda dalka Itoobiya iyo go’aanka Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com