Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda oo ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyay

Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda oo ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyay

Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ee xilka qaadista lagu sameeyay Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa si faahfaahsan uga hadlay xilka qaadista uu ku sameeyay Raysal wasaare Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

War qoraal ah oo uu bartiisa Facebook soo dhigay Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay mudadii uu xilka haayay doorkii uu kasoo qaatay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya iyo hagaajinta howlaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, isagoona xusay inuu haatan Xafiiska ka tagay isagoo bixiyay dhamaan musharaadka shaqaalaha dowladda.

“Waxay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa, Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Wuxuu sidoo kale sheegay Dr. Cilmi Maxamuud Nuur inuu dadaal badan ku bixiyay sidii siyaasadda looga ilaalin lahaa arrimaha dib u habeynta Maaliyadda, islamarkaana Wasaaradda mudadii uu joogay uu ka shaqeeyay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya oo uu kulamo guud iyo kuwo gaar ah la qaatay Bangiga Adduunka, Hay’adda lacagta Adduunka iyo dalalka deynta ku leh Soomaaliya.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inuu la shaqeyn doono wasiirka lagu badelay Biixi Iimaan Cige oo uu u rajeeyay inuu Alle ku asturo xilka uu kala wareegayo.

“Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah” ayuu yiri Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com