Wasiirkii hore ee Warfaafinta:”Doorashada oo xilligeedii lagu qabtaa waa xaq dastuuri ah”

Wasiirkii hore ee Warfaafinta:”Doorashada oo xilligeedii lagu qabtaa waa xaq dastuuri ah”

Wasiirkii hore ee Warfaafinta dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka falceliyay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee ahaa in doorashadda ay ku dhici doonto waqtigii loogu tala galay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in doorashada in waqtigeeda in lagu qabto ay tahay xaq dastuuri ah.

Qoraal uu soo saaray Daahir Geelle ayaa siddaan u qornaa:

Faallo ku saabsan hadalkii ra’iiswasaaraha ee la xiriiray Doorashada:

1. Doorashada oo xilligeedii lagu qabtaa xaq dastuuri ah waaye ee ma aha deeq uu qof bixinayo.

2. In uu ra’iisulwasaaruhu tilmaamay saamileyda siyaasadda waa wax wanaagsan iyo garashadii oo soo noqoneysa.

3. Ilaa hadda waxaan maqalnaa hadal ee waxaan sugeynaa fulin oo ah halka ay arrintu u dhimaneyso.

4.Xukuumaddu waa in ay iska tirto tagtadeedii xumeyd ee ku aaddaneyd dhinacyada xuquuqul insaanka iyo xorriyaadka, ayna joojisaa wax isdaba marinta ay dhaqanka ka dhigatay tan iyo markii ay talada qabatay.

5.K alsoonidu kuma timaad dhihid ee waxay ku timaadaa ku dhaqan. Waqti ayaan u baahan nahay si aan u ogaanno in wixii la sheegay iyo waxa la falay ay is leeyihiin.

6. Xukunka oo si nabad ah lagula kala wareego, waa muuqaal ilbaxnimo oo dhowraya badqabka qofka kursiga fadhiya iyo midka u hanqal taagayaba.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com