Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo lagu soo dhaweyeey (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo lagu soo dhaweyeey (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Caasimada Gobolka Mudug, ka dib safar dheer oo uu uga soo amba baxay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Gaalkacyo ku soo dhaweyey Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Dowladda Federalka Soomaaliya Wasiiro ka tirsan xukuumadda Galmudug Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug oo la hadlay Dadkii kasoo qeyb galay soodhoweyntiisa ayaa u balan qaaday Bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo wax badan uu Maamulkiisu dhinacyo badan Baahiyaha Aas’aasiga uu gacan ka gaysan doono,kuwaas oo ay ka mid yihiin Caafimaadka,Saldhiga Booliska oo la qalabeyn doono iyo Mashaariic kale.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com