Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha DFS iyo Xubno Kasocda Maamul gobaleedyada oo Garowe Gaaray (dhegayso)

HomeWararka

Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha DFS iyo Xubno Kasocda Maamul gobaleedyada oo Garowe Gaaray (dhegayso)

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka shaqadda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka Somaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta soo gaaray Caasimadda Puntland ee

Garoowe oo heshay hoggaan iyo isbaddal toosan (masawiro)
Midowga Afrika oo taageeray qorsho ay horay u diiday dowladda Soomaaliya
Duqayn Diyaaradeed oo xalay kadhacday deegaanka Calmadow ee gobolka Bari

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka shaqadda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka Somaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta soo gaaray Caasimadda Puntland ee Garowe,Waxaana kuso dhaweyeey Garoonka diyaaradaha Kanooco ,Wasiirka shaqadda iyo shaqaalaha Puntland,Wasiirka Degaanka ,iyo Guddoomiyaha Gobalka Nugaal.

Wafdiga Wasiirka Waxaa kamid ah Dowladdaha Xubnaha ka aha Dowladda Federaalka ,Waxaana inta an looso galbin magaaladda wafdiga ay ku hakadeen garoonka dhismihiisu socdo ee Garowe.

Xubnaha Kasocda Dowlad gobaleedyada iyo Wasiirka shaqadda iyo shaqalaha DFS ayaa Munaasabad soo dhaweyn ah intaa kadib loogu sameyeey Magaladda Garowe,waxaana Wafdiga hadal soo dhaweyn ah u jeediyeey Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Faraweyne.

Wasiirka Shaqadda iyo Shaqalaha dhalinyaradda iyo Cayaaraha Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdule oo Wasaaradu martigalisay Shir looga hadlayo shuruucda shaqaalaha Rayidka ee Somaaliya ayaa sheegay in wafdigan intay jogaan Garowe ay wadatashi iyo dib u eegis lagu samayn doono shuruucda shaqaalaha Rayidka ah.

Wasiirka Shaqadda iyo Shaqalaha dowladda Federaalka Somaaliya Saalax Axmed jaamac oo Munaasabada soo dhaweynta ah ka hadlay ayaa ka Mahadceliyeey soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa loo sameyeey ,wuxuna Puntland ku amaanay hormarka ay samaysay.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadda in Caasimadda Puntland ee Garow uu ka furmo shirka Wasaaradaha shaqada iyo shaqaalaha Heer Federaal iyo maamul gobaleedyada,iyado ugu dambeyn laga soo saaari doono Warmurtiyeed.

Warbixintan Waxaa Garowe Kasoo jeedinaya Wariye Maxamed Lakiman

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: