Garoowe oo heshay hoggaan iyo isbaddal toosan (masawiro)

***

Hooyo Garoowe oo shaaha carruurta ka biisha: “Hooyo, Daljir hooyaan u ahay ee ogaada, canshuur bixin diyaar baan la ahay ee si edboon ma loo qaadi karaa, haddii la qaadana ma na loo ku adeegi karaa, si musuqmaasuq iyo nin-jeclaysi ka maran. Hooyo, hoggaan xalaal ah baan rabnaa, Allaa oge markaas wax kasta waa naga diyaar!”

***

Tan iyo markii uu Madaxwayne Gaas kala direy Golaha Deegaanka degmada Garoowe, isla markaasna uu 18kii Abriil 2018, duqa Caasimada Garoowe u magacaabay Mudane Axmed Ayax, waxaa dardari gashay shaqadii caasimada iyo hoggaamin loo hamuun qabay.

  

Duqa Garoowe oo maantay khudbad muhiim ah ka jeediyay Kalfadhigii 41aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa si kooban u sharraxay waxyaabaha u qabsoomay tan iyo intii uu hayay xilka degmada Garoowe. Shaqooyinkaas ballaaran ee duqu ku guuleystay waxaan ka xusi karnaa 10kaan qodob ee hoose.

  1. Waxaa la dardargaliyay amnigii iyo bilicdii caasimada, iyadoo la hirgaliyay nidaam iskaashi oo daahfuran, una dhexeeya qaybaha bulshada iyo maamulka Dowladda Hoose
  2. Waxaa dhismahooda la hirgaliyay illaa  8 waddo oo dhammaantood jay ah, waxaana maalgalisay Dowladda Hoose oo gacan ka helaysa ganacsatada gobolka.
  3. Waxaa la furay waddooyin awal sifooyin sharci darro ah ugu xirnaa hay’ado iyo shaqsiyaad, arrintaasi oo dhib wayn ku haysay isusocodka bulshada iyo gaadiidka degmada.
  4. Waxaa la asteeyay howlgal bulsho iyo maamul oo lagu gurayo qashinkii magaalada gudaheeda iyo hareeraheeda yaalay.
  5. Waxaa la xakameeyay murankii dhulalka oo sababi jirey isku dhacyo iyo shaqaaqooyin shaqsiyaad, iyo mid qabaa’ilba, taasoo saamayn ku yeelan jirtay amniga iyo sumcada caasimada, iyadoo loo saaray guddiyo gaar uga shaqeeya oo cuskada sharuucda iyo xeerarka Dowladda Dhexe illaa heer degmo.
  6. Waxaaa dayactir iyo dib-u-casriyeyn lagu sameeyay dhismaha xarunta dhexe iyo dhammaanba xafiisyadii dowladda hoose ee Garoowe.
  7. Waxaa dib u eegis lagu sameeyay sharuucda iyo nidaamka dhakhli ee Dowladda Hoose. Waxaana la bilaabay nidaam daahfuran oo isla xisaabtan ah, sifo loo abuuro kalsooni bulsho oo damaanad qaadaysa in canshuurtu ay noqoto mid si sax ah loogu adeego dadka iyo deegaanka.
  8. Waxaa turxaanbixin iyo wadatashi kaddib lagu guulaystay in la dardargaliyo mashruuca World Bank ee hormarinta degmooyina, iyada oo dhawaan maamulka Dowladda Hoose ay si daahfuran oo hufan u soo xayaysiin doonaan qandaraaska illaa 4 wado oo laami ah oo mashruucu uu maalgalin doono.
  9. Waxaan dib loo howlgaliyay guddiyadii xaafadaha Garoowe oo aan muddo shaqayn, si ay qayb mug leh uga qaataan amniga iyo bilicda magaalada.
  10. Ugu danbeyn waxaa xusid mudan in maamulka oo hoggaaminaya shacabka Garoowe ay qayb mug leh ka qaateen niyad-dhiska ciidanka, dardargalinta wacyigalinta bulshada ee difaaca Puntland, dhan dhaqaale, mid bulsho iyo abaabul ahaanba.

  

Duqa degmada Garoowe ayaa ballanqaaday in la hiigsan doono qodobo sal u aha diyaarinta iyo howlgalinta qorshaha caasimada Puntland, kaasi oo ka kooban doono 7da qodob ee hoose.

    1. Adkaynta amniga caasimada
    2. Adeega bulshada
    3. Hormarinta dhaqaalaha
    4. Maaraynta dhulka iyo khayraadka
    5. Dowlad wanaagga
    6. Abuurista iyo ballaarinta goobaha shacabku ku kulmo kuna nasto (Public Parks)
    7. Aruurinta dakhliga iyo hirgalin aragti fog oo lagu maalgashado caasimada

Dadaalada ka socda caasimada Puntland ee Garoowe ayaa ah kuwo mudan ku dayasho iyo boogaadin. Saas oo ay tahayna caqabaduhu ma yara, sidaas darteed waa in duqa degmada laga helaa aragti fog oo qoran, qeexan, waqtiyeysan, wacyigalin bulsho oo joogto ah wadata, iyo shacabka oo la baro nidaamka iskaa-wax-u-qabso, ardeyda iskoolada sare, kuwa dhexe iyo waliba ardeyda jaamacadaha Garoowe iyo maamulka jaamacadaha ayana waa muhiim in ay qayb ka noqdaan qorshaha duqa degmada Garoowe.

Bulshadu waxqabad waa u diyaar, waa ay u humuun qabtaa, hoggaamin toosan bay rabtaa, Duq Axmed Ayax asna hoggaamin toosan waa mid uu shaqada ku bilaabay, waana intaas oo uu uga sii dhawaado, asaga oo maankiisa ay mar kasta ka guuxayso “nin lagu seexdoow ha seexan!”

Diiwaanka Daljir oo kaashanaya Maxamed Cabdullaahi (Kooshin)

Radio Daljir SOOMAALIYA

  

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com