HomeWararka

Wasiirka Maaliyadda DFS oo Washington kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga qeybgalaya magaalada Washington ee dalka Mar

Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhaxay Muqdisho
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Dhuusamareeb (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo Daah-furay qorshaha Gobalka Banaadir ee Xal u Helidda Barakacayaasha

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga qeybgalaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF, ayaa shirar mira-dhal ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Afrika Mudane Hafez Ghanem.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ka wadahadlay arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, horumarka laga sameeyay barnaamijka Deyn Cafinta, Doorashooyinka dalka iyo Mashaariicda horumarineed ee Bangiga ka fuliyo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Peter Lord oo ah xubin sare oo ka tirsan Waaxda arrimaha Dibaddda Mareykanka. Wasiirka Beyle ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay xubno ka tirsan Hey’adda IMF iyo Hey’addaha kale dhaqaalaha.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u joogo magaalada Washington ee dalka Mareykanka ka qeyb galka shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka, Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Hey’ado kale ee caalamiga ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: