Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhaxay Muqdisho

Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhaxay Muqdisho

Qarax xoog leh ayaa goor dhow ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasina geystay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay gaariga ay saarnaayee Xuseen Caraale iyo Muxudiin Xasan Afrax oo labaduba hore u soo noqday xildhibaano.

Qaraxan waxaa ku dhintey illaa saddex ka mid ah ilaalada labada siyaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya qaraxyada miinooyinka dhulka lagu aaso taasoo geysta qasaaro kala gedisan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com