Taliye Xijaar oo sheegay inay jiraan dad diiday in lala dagaalamo Burcadda

HomeWararka

Taliye Xijaar oo sheegay inay jiraan dad diiday in lala dagaalamo Burcadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaoiyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed loog baahan yahay inay ogaadaan dhibaatooyink

Madaxweynihii hore Soomaaliya Cali Mahdi oo Nairobi ku geeriyooday
Banka Tuli!
Shacab ka baracakay Xaafadaha u dhow Xeebta Bosaso (dhegayso)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaoiyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed loog baahan yahay inay ogaadaan dhibaatooyinka heysta Ciidamada Booliska Soomaaliya xilliyada ay kujiraan howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Burcadda ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliye Xijaar in Habeen kasta labo ilaa Saddex Askari oo Boolis ah la dilo, iyaga oo la dagaalamaya Kooxaha Burcadda hayeeshee markii ay iyaga dilaan la leeyahay Booliskii ayaa wax dilay, hadalkaas oo u muuqda mud ku socda Bulshada noocyadooda kala duwan.

Sidoo kale wuxuu sheegay taliyaha in dalkaan uu leeyahay cadow badan oo aan u ogoleyn in si nabadgelyo ah lagu wada joogo, balse Ciidamada Booliska ay Bishaan Ramadaan adkeeyeen Amniga Caasimadda.

Hadalkaan ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska waxaa uu ka sheegay kulan gaar ah oo uu la yeeshay qaar kamid ah Ganacsatada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay Amniga Magaalada Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: