Wasiirka Maaliyada Bayle oo la kulmay Agaasimaha Hay’ada IMF Kristalina

HomeWararka

Wasiirka Maaliyada Bayle oo la kulmay Agaasimaha Hay’ada IMF Kristalina

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’a

Guddiga Ammaanka Baddaha Soomaaliya Oo Magaalada Muqdisho Ku Shiray.
Al-shabaab oo weerar ka gaysatay Mandheera
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka Kristalina_Georgieva.

Wasiirka oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankaasi uu la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Lacagta Aduunka Kristalina_Georgieva uu ahaa mid muhiim ah.

“Waxaan uga mahadceliyay hogaaminteeda wanaagsan iyo dadaalkii ay Hey’adda Lacagta Aduunku ka soo qaadatay dib u habeynta Maaliyaddeena iyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.\

Wasiirka ayaa sheegay in Dhammaan Caalamka iyo IMF aan u xaqiijinayo in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay tilaabo kasta oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbedelka Maaliyadda.

Dhowaan ayaa Bangiga Adduunka waxa uu ku dhowaaqay in uu dib u soo celiyay xiriirkii uu lahaa dowlada Soomaaliya kadib soddon sano oo aysan wax xiriir ah ka dhexeyn.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: