Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta

HomeWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Masar Caasimaddiisa Magaalada Qaahira ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo

Maxaabis Somaliyeed oo laga soo dajiyaay Muqdisho
Xildhibaan Dhaashane oo yiri “Haweenku masuuliyad ma qaadi karaan” & Xildhibaan Nimco Caarshe oo u jawaabtay
Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Masar Caasimaddiisa Magaalada Qaahira ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya, isaga oo taageero u raadinaya dowladda Cusub ee uu hoggaaminayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doona Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.

Madaxweynaha ayaa horay ula kulmay Madaxweynihii 5aad ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, waxaana la filayaa in Madaxweynaha uu kulamada sii wado.

Waa safarkii lixaad oo Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago dalka dibaddiisa tan iyo markii la doortay, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in markii uu dib ugu soo laabto dalka uu tegi doono degmada Garbahaareey si loo xaliyo Arrinta Gobolka Gedo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: