Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Jabuuti

HomeWararka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Jabuuti

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo maanta kasoo amba baxay Magaaladda Muqdisho ayaa gaaray Caas

Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Wasiir Qarjab,”Somaliland Doorasho Kulama Heshiin Hadday Sanaadiiq Keento Sool iyo Sanaagna Dagaal ayaa Dhacaya” (dhegayso)

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo maanta kasoo amba baxay Magaaladda Muqdisho ayaa gaaray Caasimadda Dalka Aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka Doyaaradaha Ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalkan Jamhuuriyadda Jabuuti.

Imaanshaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka dambeysay ka dib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalkan, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudada uu dalkan joogo ka qeyb geli doonaa furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: