Al-shabaab oo weerar ka gaysatay Mandheera

Al-shabaab oo weerar ka gaysatay Mandheera

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen qalab ay lahayd shirakad dhismo Waddo ka wadday Magaalada Mandheera.

Isu duwaha amniga Gobolka Soomaalida Maxamed Biriq oo dhawaan xilkaas laga qaaday ayaa sheegay in al-shabaab ay gubeen Cagaf, Baldoosar iyo Wiish qeyb ka ahaa dhismaha Waddada Mandheera iyo Lafeey.

Weerarkaas ayuu sheegay in uu dhacay Axaddii la soo dhaafay, laba waardiye oo xilliga weerarka ku sugnaa goobta uu qalabkaasi yaallay ayaa ka baxsadya goobta iyaga oo aysan dhibaato gaarin sida uu sheegay.

Ciidanka Booliska Kenya ayaa sheegay in weerarka oo xilli aroor ah dhacay ay kooxdii weerarkaas fulisay gubeen qalabka sharikad dhismo oo qiimaha ahaan ku kacayay Ksh 38Milyan oo lacagta dalka Kenya ah.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay ilaa hadda gacanta ku dhigeen sideed qof oo lala xiriirinayo falkaas kuwaas oo xabsi ku jira maxkamadahana ay ku wareejin doonaan.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com