Wasiirka Dastuurka Xoosh Jabriil oo Baydhabo gaaray

HomeWararka

Wasiirka Dastuurka Xoosh Jabriil oo Baydhabo gaaray

Magaalada Baydhabo ee Xaruunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed maanta gaaray wafdi uu horkacaayey wasiirka wasaaradda arrimaha Dastuurka iyo Federaalk

Qarax laga maqlay gurri ku yaala magaalada Muqdisho
Warka Duhurnimo iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Najiib Zaki, Daljir Qardho (daawo)

Magaalada Baydhabo ee Xaruunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed maanta gaaray wafdi uu horkacaayey wasiirka wasaaradda arrimaha Dastuurka iyo Federaalka ee Dawlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay weheliyeen Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha Dastuurka Maamulada kajira dalka.

Wefdiga ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah ay ka qeybgali doonaan kulan looga hadlayo arrimaha dastuurka, halkaasi oo ay fadhi la qaadan doonaan Ururada Bulshada ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wefdigaasi ayaa waxa uu ka qeyb yahay kulanno is daba joog ahaa oo ay Madaxda Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalku la yeelanayeen masuuliyiinta, aqoonyahanada, Culumaa’udiinka iyo qeybaha kale ee ka tirsan Bulshada ku dhaqan Gobolada iyo degmooyinka Dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: