Qarax laga maqlay gurri ku yaala magaalada Muqdisho

Qarax ayaa laga maqlay xalay saqdii dhexe gurri ku yaala wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya inuu ahaa qarax miino oo xooggiisa laga maqlay degmooyin badan.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, waxaana ay xireen dadkii gurriga deganaa oo baaritaano lagu wado.

Sawiro lasoo qaaday ayaa muujinaya burburka gurriga soo gaaray qaraxa uu ka dhacay.

Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal is xigxigay, kuwaasi oo waligayd ay caan ku ahayd magaalada Muqdisho dilalka iyo qaraxyada shacabka lagu laynayo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com