Dhalinyaro lagaso dayaay Xabsiyadda Libya oo Muqdisho gaaray

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka soo degtay diyaarad wadda 13 dhallinyaro Soomaali ah oo ka mid ahaa Soomaalida ku xir xiran dalka Liibiya.

13kan dhallinyarada ah mid ka mid ah waa Gabar,waxaana ay ka mid ahayd dhallinyarada Tahriibka ku gashay Liibiya hayeeshee hadda dalka dib ugu soo laabtay.

Mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho,iyaga oo goobta kula hadlay warbaahinta.

Waa markii 3aad oo Sanadkan gudahiisa ay Dhallinyaro ka soo laabtay Liibiya dalka dib ugu soo laabanayaan,waxaana socda dadaal ay waddo dowladda Soomaaliya oo dhallinyarada ku xir xiran Xabsiyada caalamka dalka dib loogu soo celinayo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com