Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo fasiraad ka bixiyay safarka Madaxweyne Saciid Deni ee Muqdisho (Daawo)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo fasiraad ka bixiyay safarka Madaxweyne Saciid Deni ee Muqdisho (Daawo)

Xukuumada Puntland ayaa ka jawaabtey hadal kasoo yeeray wafti ka yimi Xamar oo ku sugan magaalada Garoowe, wasiirka arimaha gudaha, dimuqraadiyeynta iyo arimaha Federalka ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa arintaasi ka hadlay.

Wasiir Dhabancad ayaa ku dhaliilay Wasiirada dowladda Federaalka aanay iska rogi karin eedaha dowladda loogu soo jeediyay ee faragelinta maamul goboleedyada iyo ciidamada lagu daabulayo gobollo nabdoon, iyadoo Muqdisho qaraxyo ka dhacaan, isla markaana kala xiran tahay.

Mr Dhabancad ayaa fasiraad ka bixiyay safarka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku tagayo Muqdisho, isagoo tilmaamay in safarkaas aanu aheyn safar shaqo ama wada hadal uu la galayo dowladda Federaalka.

“Safarka Madaxweynaha Puntland ku tagay Muqdisho ma ahan safar shaqo iyo wada hadal uu la galayo dowladda Federaalka waa safar uu ugu gogol xaarayo gogosha fidsan Garowe iyo inuu madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ku casuumo inay soo ajiibaan shirkaas”ayuu yiri Wasiir Dhabancad.

Hoos ka daawo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com