Imaraadka Carabta oo xaqiijiyay dhimashadii ugu horeysay ee Corono Virus

HomeWararka

Imaraadka Carabta oo xaqiijiyay dhimashadii ugu horeysay ee Corono Virus

Dowladda Isutagga Imaaraatka carabta ayaa shaacisay geerida labo bukaan oo qabay cudurka ‘coronavirus’, waana tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo Turkiga ku geeriyooday
Farriimihii Musharrax Gaas 2013-2014: “Baarlamaanku shaqadiisa ha qabsado … yuusan noqon baarlamaan Madaxweynaha ka amarqaata” (dhegayso)
Garoowe oo Roobsatay!

Dowladda Isutagga Imaaraatka carabta ayaa shaacisay geerida labo bukaan oo qabay cudurka ‘coronavirus’, waana tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah oo laga soo wariyo dalka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa warbixin ay soo ku sheegtay in mid ka mid ah labada qof uu yahay 78 jir ka yimid Yurub. Sababta geeridu waxay ahayd wadne qabad, uu sababay COVID-19.

Bukaanka labaad wuxuu jiray 58 jir dhalasho ahaan wuxuu kasoo jeeday Aasiya waxaana uu degganaa Imaaraadka Carabta.

Coronavirus ayaa markii ugu horraysay laga helay Magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha isagoo markaa kadib ku faafay ugu yaraan 164 dal.

Horaantii bishaan, Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu ku dhawaaqay cudurka dillaacay iyaga oo u aqoonsaday Masiibo Caalami ah.

Marka loo eego xogta ay soo aruurisay jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ee Johns Hopkins, tirada dhimashadu hadda waxay ka badan tahay 11,000 oo in ka badan 258,000 ayaa la xaqiijiyay in ay qabaan Covid 19. Ilaa 87,000 oo qof ayaana soo kabsaday.

Waxaa jira 140 kiis oo ah cudurka coronavirus in laga soo sheegey dalka Imaaraadka Carabta illaa iyo hadda.

Dowladda ayaa soo bandhigtay xayiraad saaran dadka rakaabka ah, laakiin ilaa iyo hadda ma ay soo rogin tallaabooyin xayiraad ah, iyada oo ay jiraan in sharci aan laga soo saarin goobaha dadweynaha, sida xarumaha dukaamaysiga iyo makhaayadaha oo ah kuwa wali furan.

In kabadan 1,300 oo kiis corona ah ayaa laga helay Gobolka khaliijka, iyadoo kiisaska intooda badan ay ahaayeen dad ka laabanayey dalka Iiraan, oo ah mid ka mid ah waddamada dhibka daran ku haayo CoronoVirus.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: