Wasiirka Amniga DFS oo Xariga maanta kajaray agoonta Booliska (dhegayso+Sawiro)

HomeWararka

Wasiirka Amniga DFS oo Xariga maanta kajaray agoonta Booliska (dhegayso+Sawiro)

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa mudo 27-sano ka dib maanta oo Isniin ah xariga ka jaray xarunta Carruurta

Waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho oo la furayo
Maamulka Jubbaland oo Ka Hadlay Dilkii Wassiir Cabbaas
Warka Fiidnimo iyo Xasan Haykal, Daljir Bossaso (Dhegayso)

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa mudo 27-sano ka dib maanta oo Isniin ah xariga ka jaray xarunta Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa ka qeyb galay ku simaha ahna Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax, La-taliye sare xafiiska Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Xaruntaan oo ku taalla dhabarka dambe ee Cisbitaal Madiina ayaa waxaa loogu magacdaray Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Abshir Muuse.

Xaruntan lagu xanaaneynayo Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale waxaa ku jira 20-carruur ah oo waalidiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin jiif, Iskuul wax lagu barto, Dugsiga Qur’aan, Masjid lagu Tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan carruurtan Agoonta ah.

Hoos kadhegayso Codka wasiirka amniga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: