Waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho oo la furayo

HomeWararka

Waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho oo la furayo

Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo kaddib  boggaadiyey ciidammada amniga sida ay uga jawaabbeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsa

Guddiga dhismaha laamiga Burtinle oo deeq lacageed lagu wareejiyeey (dhegayso)
Shirkada Towfiiq oo Bosaaso ku Abaal marisay 40 qof oo macaamiisheeda ka mid ah (dhegayso)+Sawiro
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo kaddib  boggaadiyey ciidammada amniga sida ay uga jawaabbeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabad-diidka oo doonayey in ay  shacabka masaakiinta ah u geystaan khasaare xooggan.

Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobey falalkii u dambeeyey ee Argagixisada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga  Qaranka ayaa  go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida  Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka,   iyo maamulka gobolka Benaadir in ay  dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, iyadoo ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa Gobolka Benaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo Maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen  sida ugu dhaqsiyaha badan qorshe 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee  ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: