Guddoonka Barlamaanada Maamul gobaleedyada iyo federaalka oo Baydhabo gaaray

Magaaladda Baydhabo ee Xarunta gobalka Bay waxaa gaaray galabta Guddoonka Baarlamaanada maamul goboleedyadda halkaas oo si weyn loogu soo dhaweyeey.

Soo dhaweyn balaraan ayaa lagu sameyeey Magaaladda Fariisinka u ah maamulka koonfur galbeed Guddoonka Barlamaanada Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle.

Magaaladda Baydhabo maalmaha soo socda waxaa ka furmaya shir Balaaran oo u dhaxeeya Guddoonka Barlamaanaka Maamul gobaleedyada iyo Federaalka ,waxaana shirkaas lagu dhisi doona Maddal ay ku midaysnaan donaan Barlamaanadda maamul gobaleedyadda iyo federaalka.

Galabta ayaa sido kale waxaa Baydhabo gaaray Gudddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya Maxamed sheekh Cusmaan (Jawaari) halkaas oo si weyn loogu soo dhaweyeey.

Gordhow waxaan xiriiro la samaynayo Guddoonka Barlamaanka Puntland balse nooma suurta galin balse saacadaha soo socda ayaan idin soo gudbunayna waraysi ku saabsan wafuuda baydhabo gaaray.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com