Aqoonyahan Eng. Jabiye oo baaq u diray beelaha ku dagaalamay deegaanka Cagaare

Aqoonyahan Eng. Jabiye oo baaq u diray beelaha ku dagaalamay deegaanka Cagaare

Aqoonyahan Eng. Maxamuud Khaliif Xasan oo ku magac dheer Eng. Jebiye, kana mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka hadley dagaalada ka dhacay deegaanada Cagaare iyo Qorile ee u dhexeeya gobolada Nugaal, Sool iyo weliba Mudug ee dhanka xuduudka.

Maxamuud Khaliif Xasan ayaa baaq nabadeed u direy beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartey, waxaana uu xusuusiyey foolxumada ay leedahay dhiig la daadiyo, dhibaatada ka dhalata mid adduun iyo mid aakhiro.

Baaqa uu soo saarey Aqoonyahan Eng. Jebiye ayaa u qaybsanaa saddex waxaana uu baaqa u horeeya u direy beelaha dagaalku dhexmaray ee dadka iska laayey, waxaana uu ugu baaqey in si shuruud la’aan ah dagaalka loo joojiyo, wixii dhacay waa dhaceen ee la badbaadiyo nafta kale ee aan dagaaladaas ku dhiman, heshiis waarana laga gaaro.

Eng. Maxamuud Khaliif Xassan ayaa sidoo kale baaq u direy maamulka Puntland, Isimada, Culimada iyo dhamaan qofkasta oo wax ka geysan kara deminta colaadaas in caqli, xoog iyo maalba la isugu geeyo sidii loo dhameyn lahaa colaadaas, waxaana uu tusaale u soo qaatey in fidniada halkaas ka dhacaysa hadii aan la qaban oo loo gurtman ay meelo badan saameyn karto.

Maxamuud Khaliif Xasan Eng. Jebiye ayaa baaqiisa saddexaad u direy dadka qurba joogta ah ee ka soo kala jeeda beelaha dirirtu dhexmartey, wuxuu xasuusiyey in qurba-joogto ay door muhim ah ka ciyaaraan horumarka dalka, hatana laga doonayo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen sidii colaada loojojin lahaa, inaysan lacag ay leeyihiin ku bixin hurinta colaada dadka walaalaha ah isku dilayaan, laakiin ay ka qayb-qaataan maslaxadda iyo waxa kala raacay ee magta ah sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen.

Maxamuud Khaliif Xasan (Eng. Jebiye) ayaa kamid ah ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed, waxaana uu ka qayb-qaataa mashaariic badan oo dalka lagu hormarinaayo, waxaana uu ganacsi ku lee yahay dalal badan oo caalamka kamid ah oo ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo weliba dalka Maraykanka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com