HomeUncategorized

Wasiir Gaashaan oo ugu baaqay Somaliland in ay joojiso jajuubka shacabka.

Garoowe, Aug 20- Wasiiru-dawlaha maamul-wanaaga Puntland Mudane Maxamed Faarax Ciise (gaashaan) ayaa mar uu la hadlay Radio daljir waxaa uu maamulka Soomaaliland ugu baaqay in muquuninta iyo jajuubka ay ka daayaan dadka daggan gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.rn

DHAGAYSO:Barnaamijkii Maan-hadal oo Diiradda lagu Saarayo Abaaraha Puntland
Mo Farah wins unique triple-double with 5,000m world championship gold
Sheeko Gaaban: qaybtii 2’aad ee sheekadii Ismadhaanto (Dhegayso)

Garoowe, Aug 20- Wasiiru-dawlaha maamul-wanaaga Puntland Mudane Maxamed Faarax Ciise (gaashaan) ayaa mar uu la hadlay Radio daljir waxaa uu maamulka Soomaali-land ugu baaqay in maquuninta iyo jajuubka ay ka daayaan dadka daggan gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.


Mudane Gaashaan ayaa xusay in muddo fara badan qabaa’ilada daga goboladaasi SSC ay ku jireen cadaadis ballaaran oo kaga imaanayay maamulka ictiraaf doonkaa ee Soomaali-land, wuxuuna hadalkiisa ku daray inaysan haba-yaraatee jiri karin qabiil qabiil xoog ku haysan kara sidaasi aawadeedna loo baahan-yahay inay is garato Soomaali-land oo ay cadaadiska ka dayso dadkaasi.


Wasiiru-dawlahan ayaa dhanka kale sheegay inay jiri doonto maalin la xisbaatami doono oo aysan faa’iido ka dhalan doonaan gardaduubka loo gaysanayo dadkaasi Soomaaliyeed.


Hadalka Mudane Gaashaan ayaa ku soo aadaya maalmo ka dib markii ciidanka Soomaali-land ay ka baxeen deegaano hoos taga gobolka Cayn oo ay horay u joogeen ayna socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhex jira hogaamiyihii hore ee jabhadda SSC Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye) iyo maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).


Gobolka Sool gaar ahaan magaalo madaxdiisa Laas-caano muddo sanadaa waxaa gacanta ku haya maamulka Soomaaliland, dhanka kale dagaalo dad badan ay waxyeelo ka soo gaartay soona laab-laabtay ayaa ka dhacay deegaanadaasi, illaa iyo hadana lama ogo xiliga ay dhamaanayaan arimahaasi siyaasadeed, sidoo kalana waxaa jira maamul sanadkii hore looga dhawaaqay degmada Taleex looguna wan-qalay Khaatumo.


Diiwaanka Wararka


Daljir


(S)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: