Xildhibaannada cusub oo maanta loo dhaarin doono xasaanaddooda xildhibaanno.

Muqdisho, Aug 20 – Mudaanayaasha cusub ee baarlamaanka dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta in si rasmi ah loogu dhaariyo xubinnimadooda xildhibaanno, gaar ahaan kuwii ka soo gudbay sharuudihii guddiga xulidda.

Xildhibaannada, ayaa dhaarin kaddib guda-gali doona hawlahooda shaqo ee looga fadhiyo xilligaan kuwaasi oo ay ugu mug-weyn tahay hannaankii is doorasho ee baarlamaanka dhaxdiisa iyo midka madaxtinimadaba sidaasina waxaa Radio Daljir u xaqiijiyey mas’uuliyiin ka tirsan guddiga xulitaanka xildhibaanna.

Wakiillada ayaa maanta iska dhax-xuli doonna qof ugu da’da weyn si uu u maareeyo shaqooyinkooda, inta laga dooranayo afhayeenka cusub.

Tallaabo qaadka kale ee ku xigi doona ayaa ahaan doona qabashada guddiga doorashada ee baarlamaanka, kuwaasi oo iyana sii jaan-goyn doona habka doorasho ee guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa.

Maanta hawlaha kale ee la gorfeeyey waxaa ka mid ahaa diiwaan-galinta xildhibaannada iyo  dhammaystirka siinta kaararkooda aqoonsi ee muujinayo ahaanshahooda xildhibaannimo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

(G).

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com