Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari oo siweyn looga ciiday (Sawiro)

Bosaso, Aug 19- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta siweyn looga ciiday munaasbadda ciidda barakaysan ee Ciidul Fidriga oo ku beegan maanta oo Axad ah.

Aroortii hore ee saaka ayaa waxaa mar qura masaajidda magaalada Bosaso laga maqlay takbiirta ciidda barakaysan ee Ciidul Fidriga, waxaana dadwaynaha magaalada ay salaadda ciidda ku tukadeen masaajidda xaafadaha magaalada ku yaalla iyo garoonka wayn ee kubadda cagta Bosaso.

Garoonka kubadda cagta ee magaalada Bosaso oo salaadda ciidda laga oogo maalmaha ciidda ayaa waxaa kasoo qaybgalay dadwayne badan, culimaa’udiinka iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Bari iyo degmada Bosaso.

Gudoomiye kuxigeenka ahna kusimaha gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Muumin Bidde oo ka hadlay garoonka kubadda cagta ee magaalada Bosaso kadib salaadda ciidda, ayaa waxaa uu sheegay ciiddan inay kusoo aadday xilli uu dalku ka baxayo marxaladda KMG.

Waxaa uu dhanka kalle uu shacabka kula dardaarmay inay u gargaaraan dadka Soomaliyeed ee dhibaataysan ,isagoo Alle ka baryay inuu muslimiinta ka aqballo bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo ay soomeen.

Duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan ayaa shacabka u sheegay in looga baahanyahay dadku inay wada qaybsadaan farxadda ciidda, isagoona intaa raaciyay dadku inay isku gurmadaan farxadda ciidda awgiis islamarkaana la gacan qabto dadka danyarta ee aan awoodin inay ciidaan.

Sheekh Maxamuud Huruuse oo ka mid ah culimaa’udiinka Soomaliyeed ee siweyn looga yaqaano dalka iyo dibadda ayaa isaguna u sheegay dadku inay ilaah ka baqaan,islamarkaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni karra in ALLAH laga fogaado.

Dhinaca kalle ciidda barakaysan ee Ciidul Fidriga ayaa waxaa sidoo kalle siweyn looga ciiday degmooyinka Carmo,Ballidhidin iyo dhulalka fogfog ee gobolka Bari iyadoo aanay jirin wax khilaaf ah.

?

\"\"

\"\"\"\"

\"\"\"\"\"\"

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

Maxamuud Cabdi Ibraahim

Photo By: Axmed Nuur Ibraahim Somali.

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com