Wasiir Fiqi oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil (dhegayso)

HomeWararka

Wasiir Fiqi oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil (dhegayso)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa faha faahin ka bixiyay howlgallo Ci

Bosaaso oo lagu qabtay dibad bax looga soo horjeeday dilkii iyo kufsigii loo gaystay Caasho Ilyaas (dhegayso+Sawiro)
Beeraleyda Puntland: Xaalka Beeraha iyo Qaylodhaanta Abuurka Sumaysan (dhegayso)
Gudoomiye Jawaari oo la Kulmay Dhigiisa Masar

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa faha faahin ka bixiyay howlgallo Ciidamada Ammaanka ka wadeen Magaalada Gaalkacyo iyo falal amni darro oo uu sheegay inay ka hortageen.

Wasiir Fiqi waxaa uu sheegay in intii Ciidamada howlgalka ay ku qabteen Miino nooca Gaadiidka lagu dhejiyo oo uu sheegay in la doonayay in Gaarigiisa lagu dhejiyo iyo sidii kale la qabtay Nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo Magaciisa ku sheegay Aweys,kaas oo uu sheegay in uu doonayay in uu fuliyo falal amni darro.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada amniga ay heleen xogta Madaxii Al-Shabaab ee Gobolka Mudug,hayeeshee markii ay isku dayeen inay Ciidamada Ammanaka qabtaan uu dagaalamay sidaasina lagu toogtay.

Ugu dambeyn Shacabka ku nool deegaannada Galmudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay inay la Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka,sla markaana aysan noqon kuwo gabaad siiya sida uu hadalka u dhigay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: