Beeraleyda Puntland: Xaalka Beeraha iyo Qaylodhaanta Abuurka Sumaysan (dhegayso)

Beeraleyda Puntland: Xaalka Beeraha iyo Qaylodhaanta Abuurka Sumaysan (dhegayso)

Warbixinta 10aad ee Xaalka Beeraha iyo Beeraleeyda Puntland

Sidaad la socoteen dhegaystayaal Radio Daljir wuxuu warbixinno xiriir ah ka sameeyey xaaladaha kala duwan ee beeraleeyda Puntland, kuwaasi oo aan si taxane ah idinku soo gudbinaynay 10kii cisho ee ugu dambeeyey.

Warbixinnadaasi beeraha Puntland ku saabsan waxay si durugsan u bidhaaminayeen caqabadaha iyo duruufaha haysta beeraleeyda Puntland, ayna ugu miisaan cuslayd dhibaato ragaadisay wax-soo-saarkoodii kadib markii sida ay sheegeen ay beerahooda ku beereen abuurro hay’ado bixiyeen, xaalkana beerahana ka dhigay mid curyaan ah.

Haddaba warbixintaan oo ah middii 10aad ee xaalka beeraha Puntland iyo beeraleeydaba, ahna middii ugu dambaysay taxanayaashii aad kala socoteen Radio Daljir ee beeraha quseeyey, waxaan ku eegaynaa sidii xaalka beeraha Puntland uu ahaa kahor intii aan la siin abuurrada ama siirarka hay’aduhu bixiyeen, beeraleeyduna tilmaantay in ay khasaaro kala kulmeen.

Xasan Heykal ayaa inoo diyaarshay, soona jeedinaya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com