Wasiir Dubbe;”Doorashada Ha Laga Daayo Malxiiska Haddaan Laga Deynayna Midka Niqaaban”

Wasiir Dubbe;”Doorashada Ha Laga Daayo Malxiiska Haddaan Laga Deynayna Midka Niqaaban”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa ku baaqay in doorashada ay noqoto mid si dhab ah loogu tartamo oo musharaxiinta aysan la tartamin kuwo malxiis ah.

Sidoo kale Wasiir Duube ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in dadka ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ay noqdaan dad wajiyadooda la arki karo, una diyaarsan tartan ku dhisan daah furnaan ee aysan noqon dad niqaaaban.

“Guddiyada doorashada waxaan leeyahay ha laga daayo doorashada malxiiska, hadaan laga daynayna ha laga daayo midka niqaaban,” ayuu yirii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe.

Warka wasiir Dubbe ayaa ku soo beegmay xilli 1dii bishan doorashadii Golaha Shacabka ee ka dhacday Muqdisho ay la tartantay Ra’isul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed haweeney niqaaban taasoo heshay 3 cod oo kaliya una muuqatay inay ahayd malxiis.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com