Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka dalka Itoobiya

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka dalka Itoobiya

Dalka Itoobiya waxaa maanta ka dhaqan galay bandowgii lagu soorogay dalkaasi oo socon doona muddo lix bilood ah.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ku war geliyey iney hubkooda diiwaan galiyaan.

Waxey dhanka kale, ka dalbadeen iney u diyaar garoobaan sidii ay gacan uga siin lahaayeen booliiska iyo ciidanka qalabka difaaca magaalada.

Xoogagga la dagaalamaya dowladda, ayaa sheegay inuu yahay bartilmaameedkoodu magaalada Addis Ababa.

Madaxda caalamka ayaa ku booriyey dhinacyada kala duwan ee ku dagaalamaya Itoobiya xabad joojin deg deg ah, khilaafkana lagu soo afjaro wada hadal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com