Kooxda IS oo Qarjisaay Taliyayaal Sare oo Taalibaan ah

Kooxda IS oo Qarjisaay Taliyayaal Sare oo Taalibaan ah

Taliye ka tirsan ciidamada Taalibaan ayaa la dilay markii raggiisa ay ka caabiyeen weerar ismiidaamin ah iyo weerar lagu qaaday isbitaal ku yaal caasimadda Afgaanistaan, mas’uuliyiinta ayaa Arbacadii sheegay.

Daalibaan ayaa 20 sano ku qaadatay dagaal ka dhan ah dowladdii la afgambiyay ee uu Mareykanka taageero ka hor inta aysan la wareegin gacan ku haynta Kabul bishii Ogosto.

Hadda waxa ay wajahayaan dagaal ay ku doonayaan in ay xasilooni ugu soo dabaalaan dalka Afgaanistaan, oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka dhacayeen weeraro dhiig badan ku daatay oo ay sheegteen kooxaha iska soo horjeedaan, ee IS-Khorasan (IS-K).

Ugu yaraan 19 qof ayaa lagu dilay weerarkii Talaadadii lagu qaaday isbitaalka ugu weyn ee magaalada Kabul, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo aan magaciisa sheegin.

Xamdullah Mokhlis, oo xubin ka ahaa shabakada mayalka adag ee Haqqani iyo sarkaal ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Badri Corps, ayaa ah qofka ugu muhiimsan ee dhintay tan iyo markii ay Taliban qabsadeen Kabul.

“Markii uu helay xogta ku saabsan in Isbitaalka Sardar Daud Khan lagu weeraray, Maulvi Hamdullah (Mokhlis), oo ah taliyaha ciidamada Kabul, ayaa isla markiiba goobta u soo cararay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan warbaahinta Taliban.

“Waxaan isku daynay inaan joojino isaga laakiin wuu qoslay. Waxaan markii dambe ogaanay inuu ku shahiiday dagaal fool ka fool ah oo ka dhacay isbitaalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Weerarka ayaa ku bilowday markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay meel ku dhow albaabka xarunta ka hor inta aysan dableydu weerar ku qaadin dhismaha isbitaalka.

Iyada oo qayb ka ah jawaabta, talisyada cusub ee Kabul ayaa saqafka sare ee dhismaha geeyey ciidamadooda gaarka ah diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo laga soo qabtay dawladii hore ee Maraykanku taageero ee Afqaanistaan.

War qoraal ah oo ay soo saartay kanaalada Telegram-ka, IS-K waxay ku sheegtay in “shan dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Dawladda Islaamka ay si isku mar ah u qaadeen weerarro abaabulan” goobta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0