Wasiir Dhamanacad oo gaaray degmada Towfiiq lana kulmay Odayaasha dhaqanka

Wasiir Dhamanacad  oo gaaray degmada Towfiiq lana kulmay Odayaasha dhaqanka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamanacad ayaa oo gaaray degmada Towfiiq ayaa kulan la qaatay Odayaasha & Waxgaradka towfiiq,isaga oo kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedkaas.

Maleeshiyaadka dagaalamay oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dagaalkooda waxaa ku geeriyoodey in ka badan 30 Ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Wasiir Dhamanacad ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka labada beelood in xiisada ay dejiyaan,sidoo kalena looga baahan yahay Odayasha iyo Waxgaradka labada dhinac inay ka qeyb qaataan sidii xal loo gaari lahaa.

Dhawaan ayaa waxaa sidoo kale degmada Towfiiq gaarey Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidamada dhulka Soomaaliya Cabdi Xamiid Maxamed Dirir,iyaga oo ku guuleystay inay xabad joojin dhex-dhigaan labada Beelood.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com