Wasaaradda Warfaafinta DFS: “Madaxweyne Farmaajo ayaa Amray Dilka Horjooge Cali Jabal”

HomeWararka

Wasaaradda Warfaafinta DFS: “Madaxweyne Farmaajo ayaa Amray Dilka Horjooge Cali Jabal”

Madaxweyne Farmajo oo amray howgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge Al-Shabaab ka tirsan Mog

Cabdiwali Muudeey” Waxba Iskama Badalin Mowshinka Beri ee Jawaari”
Xubinta Sicirka & Suuqyadda Garoowe
Qardho: Maanka Dadwaynaha iyo Mikroofanka Daljir (dhegayso)
Warfaafinta

Madaxweyne Farmajo oo amray howgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge Al-Shabaab ka tirsan

Mogadishu, August 10, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.

Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go’antahay in kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
[email protected]

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: