Xildhibaan Shaybe iyo Sababta Ansixinta Xukuumadda: “Anigu waa Diiday in Kuwii la Riday la soo Celiyo”

Xildhibaan Cabdiqaadir Shaybe Shiikh Maxamuud oo ka mid ah Baarlamaanka Puntland oo aan ka wareysanay sababta Baarlamaanku u ansixiyeen xukuumaddii ay rideen oo aan wax ka baddel muuqda lagu samayn.

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah meelmariyey golaha xukuumadda Puntland ee madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ oo magacaabay maalinkii Isniinta ahayd ee todobaadkaan, kuwaasi oo ka kooban 53 xubnood oo iskugu jira wasiiro, wasiirro kuxigeenno iyo wasiiru dawlayaal.

Golahaan wasiirrada ee maanta ay ansixiyeen xildhibaannada Baarlamaanku ayaa ahaa golihii horay Baarlamaanku u riday bishii July ee aynu soo dhaafnay marka laga reebo dhawr wasiir oo cusub oo lagu soo diray xukuumadda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wasiirrada maaliyadda, amniga iyo haweenku.

Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah oo ka badan midkii ay markii hore ku rideen isla xukuumaddaan ku ansixiyey maanta, taasoo si waydiimo ballaaran oo lagu muujinayo sababta Baarlamaanku maanta u meelmariyeen xukuumaddii ay horay xasaanadda ugala laabteen, kuna sifeeyeen mid ku fashilantay hawlihii loo idmaday.

Haddaba xildhibaan Cabdiqaadir Shaybe Shiikh Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, kana mid ahaa xildhibaannadii horay u riday xukuumadda, maantase diidanaa ansixinta wasiirrada ayaa wareysi gaar ah uu uu siiyey Radio Daljir uga hadlay waxa keenay Baarlamaanku in ay codka ku taageereen xukuumaddii shalay ay ka soo horjeedeen iyo arrimo kale.

Cabdifataax Cumar Geeddi oo wareystay ayaa waydiiyey marka hore sida uu u arko ansixinta xukuumadda ee maanta golaha Baarlamaanku ansixiyey.


Posted

in

by

Tags:

Comments

2 responses to “Xildhibaan Shaybe iyo Sababta Ansixinta Xukuumadda: “Anigu waa Diiday in Kuwii la Riday la soo Celiyo””

  1. JAAMAC AHMAD CALI

    asc DALJIS ANIGU diida nahay wayo looma bahna IJIID ANKU JIIDEEH ) wad mahad santihiin daljir)

  2. […] Xildhibaan Shaybe iyo Sababta Ansixinta Xukuumadda: “Anigu waa Diiday in Kuwii la Riday la soo… […]

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com