Cabdiwali Muudeey” Waxba Iskama Badalin Mowshinka Beri ee Jawaari”

Cabdiwali Muudeey” Waxba Iskama Badalin Mowshinka Beri ee Jawaari”

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa sheegay inuu waxba iska badalin mowshinka loo balansanyahay maalinimada beri ee laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Muudeey ayaa sheegay mowshinka inuu yahay mid sharci ah oo ay xildhibaanada ugu badan ay ka keeneen guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Maalinimada beri ayaa la filayaa in mowshinka lagu qabto xarunta golaha shacabka, iyadoona ay kasoo horjeedaan mowshinkan guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka iyo guddoomiye Jawaari.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com