Wariye lagu xiray garoonka diyaaradaha Hargeysa

Wariye lagu xiray garoonka diyaaradaha Hargeysa

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada hargeysa waxaa ay Maanta ku xireen Wariye Cumar Seerbiya oo kamid ah Maamulka Astaan Tv, xilli uu ka tegay Magaalada muqdisho.

Wariye Cumar Seerbiya ayaa markii hore ka yimid isla Magaalada Hargeysa, balse dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo uu ka hwogalay Tv-yo kuyaalla Caasimadda

Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa cambaareeysay xariga, iyaga oo sheegay in ay ka xun yihiin xariga Saxafi Cumar Xasan Cali Seerbiya.

Waxaan cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee saaka ciidanka booliska ee Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa kula keceen weriye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya) oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala Astaan TV.

Saxafi Cumar waxaa uu la socday duullimaad ka baxay Muqdisho, waxaana la xiray markii uu ka degey garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa. Illaa hadda lama yaqaano sababta loo xiray iyo halka lagu hayo.

Waxaan ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta booliska garoonka Cigaal ee magaalada #Hargeysa inay deg deg u siidaayaan weriye Cumar ayna joojiyaan beegsiga lagu hayo saxafuyiinta iyo warbaahinta ka hawlgasha Somaliland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com