Madaxweyne laftagareen & Guddoomiyaha Waajid oo ka wada hadlay Go’doonka ay saareen Al-Shabaab degmada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Maaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo oo kamid ah degmooyinka ay g’doomiyeen Al-Shabaab.

Gudoomiye Maxamed Macalin Yuusuf ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey xaaladda Degmada Dhinacyada Amniga,Waxbarashada, Nolosha Bulshada,Samaynta Abaarta ay ku yeelatay Bulshada Degmada iyo Deeganada hoosyimada iyo dadaalada hortabinta leh ee ka socda Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed MCabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyaha uga Mahadceliyey Booqashada uu ugu yimid iyo Sida uu ula wadaagay Warbixinta xaalada nololeed iyo mida horumarineyd ee Degmada Waajid, isaga oo xusay Madaxweynaha in Dowlad Goboleedka uu hoggaaminayo ay xooga saari doonto wax ka qabashada Abaaraha,La dagaalanka Al-Shabaab oo go’doomiyay degmada iyo Baahinta Adeegyada Dowladda.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolkaas ee u go’doonsan Al-Shabaab, waxaana uu saameyn ku yeeshay nolosha dadka ku nool degmadaasi Waajid.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com