HomeUncategorized

Warbixin-Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada magaalada Galkacyo.

Galkacyo, Oct 25 2013--Xaaladda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo maalmihii ugu dambeeyey dagaalo culusi kadhacayeen ayaa saaka degan, xilli weli ciidankii Puntland iyo Galmudug weli is horfadhiyaan.

Hay?adda UNECO oo walaac ka muujisay xaaladda warfidiyeennada Soomaaliyeed.
(DHAGEYSO) M/weyne Xasan Sheekh oo arrin xasaasi ah lagu eedeeyey
Dawlada Maraykanka ee dabcisay xayiraadda gargaar-gaasiinta dhulka Al-shabaab maamulo.

Galkacyo, Oct 25 2013–Xaaladda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo maalmihii ugu dambeeyey dagaalo culusi kadhacayeen ayaa saaka degan, xilli weli ciidankii Puntland iyo Galmudug weli is horfadhiyaan. 

Inkasta oo laga cabsi qabo dagaal markale magaalada kadhaca ayaa waxaa xalay iyo saaka degan xaaladda magaalada, walow ay saacad walba macquul tahay in dagaalku dib u qarxo. 

Maalinimadii shalaya ayaa waxaa magaalada kadhacay mid kamid ah dagaaladii ugu cuslaa iyadoona middaasi ay siikordhisey tirada dadka ka barakacay magaalada. 

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo shalay kasoo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa dagaalka Galkacyo ku eedeeyey madaxda DFS.

DALJIR WARAR SUGAN IYO WACAAL DARAY AH

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: