HomeUncategorized

Hay?adda UNECO oo walaac ka muujisay xaaladda warfidiyeennada Soomaaliyeed.

Nairobi, Sep, 01 ? Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa DFKS waxay ugu baaqdey inay qaado dhammaan talaabooyin kasta oo suurogal ah, laguna xadidayo dilalka iyo waxyeelada had iyo goor loo gaysto warfidiyeennada Soomaalida.

Puntland oo qorsheyneysa guluf ka dhan ah burcad badeeda Somalida ah ee ka ugaarta badweynta Hindiya.
Qunbulad gacmeed lagu tuuray xarunta idaacada Daljir ee Galkacyo.
Roob dabaylo wata oo ka da’ay degmada Bandar Bayla ee gobolka Bari (Dhegayso)

Nairobi, Sep, 01 ? Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa DFKS waxay ?ugu baaqdey inay qaado dhammaan talaabooyin kasta oo suurogal ah, laguna xadidayo dilalka iyo waxyeelada had iyo goor loo gaysto warfidiyeennada Soomaalida.

Qoraalkaan kasoo baxay hay?adda UNESCO ayaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya lagu dilay sanadkaan 2012 illaa 8 ka mid ah warfidiyeennada Soomaaliyeed, halka ay jiraan qaar-kale oo la dhaawacay.

Agaasimaha guud ee hay?adda UNESCO IRINA BOKOVA, ayaa sidoo kale lagu sheegay wal-walka guud ee ay hay?adiisu ka qabto arrinta wariyaasha Soomaalida, waxaana uu baaq fariin ah u diray wariyaasha, taasi oo ku aadan inay ka taxadaraan ammaan-kooda mar-walba iyo meel-kastaba.

??Waxa muhiim ah in dowladdu xil iska saarto badbaadinta dadka rayidka ah ee tirada badan oo ka mid yihiin suxufiyiinta oo si xoogan loo bartilmaameydsanayo?? ayay tiri Irina Bokova.

Sugida amaaanka suxufiyiinta ayay soo jeedishey Bokova, waxana ay sheegtey in saxaafadda xorta ah ay tahay tan Somalia u horsedeysa dimoqraadiyada iyo dib u heshiisiinta.

Tan iyo 2009 waxa dalka Somalia lagu diley ilaa 18 wariye,waxana canbaareyno keliya ku eekaadey dowladaha iyo haydaha caalamiga iyadoona aysan jirin ilaa iyo hada cid u dooda xuquuqda wariyaasha.
?

Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?

Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: