Hay’ada IOM oo ka digtay shaqsiyaad ka been-abuurtay hay’adda.

Nairobi, Sep, 01 – IOM waxay ogaatay been abuurasho ay sameeyeen ama ay hal abuurkeeda leeyihiin shaqsiyaad iska dhigaya in ay yihiin dad ka mid ah shaqaalaha Hay?ada IOM. Shaqsiyaadkan ayaa lasoo xidhiidha ama lasoo xidhiidhey dad ka mid ah mujtamaca ku nool dhulalka Soomaalida iyagoo dadka u sheegaya in ay ku guuleysteen Bakhtiyaanasib si ay lacag uga helaan dadka.

Shaqsiyaadkan sameynaya been abuurashada, waxay u sheegayaan dadka biri-magaydada ah in ay ku guuleysteen bakhtiyaa nasiib loogu qaadi doono Waddamada ay ka mid yihiin Ingiriiska, Maraykanka, Kanada ama Austareeliya.

Fadlan Akhristo, ogow dadkani telefoonada dadka u soo diraya in ay yihiin Beenaaleyaal.

IOM malaha, kamana shaqayso wax kasta oo ku saabsan bakhtiyaa nasiib, waxayna halkan idiinka caddeynaysaa in ay bari ka tahay waxyaabaha la midka ah arintan.

Hadii aad heshid telefoonada noocan ah, fadlan ha rumeysan, hana u jawaabin, hana u hogaansaminin codsi kaaga yimaadda qof doonaya in aad lacag sidaas ku siiso.

Fadlan noo soo tabi hadii aad telefonada noocan oo kale ah hesho iyo wixii akhbaar ah ee la xidhiidha arintan adigoo fariintaada ku soo diraya Ciwaanka : [email protected] and [email protected]

Mahadsanidiin

?

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com