Wararkii ugu danbeeyey ee Laascaanood, Goojacadde oo BM lagu garaacay & wararkii Guddiga Doorashada SSC

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Wararkii ugu danbeeyey ee Laascaanood, Goojacadde oo BM lagu garaacay & wararkii Guddiga Doorashada SSC

Galinkii danbe ee maanta casarliic kabacdi, waxaa markii ugu horreysay ciidamada difaaca SSC ay godka Goojacadde ku garaaceen madaafiicda ridada dheer

ANALYSIS: IS SOMALILAND OFFICIALLY IN CIVIL WAR?
Maanta & Cadaado: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Doorkiisa Xal Raadin
Dhaqaalaha Soomaliya iyo nolosha Soomaalida dartood madaxda Soomaaliya maxaa la gudboon si looga tabaabusheysto dagaalka soo fooleh ee Iran & USA? (wareysi & falaanqeyn)

Galinkii danbe ee maanta casarliic kabacdi, waxaa markii ugu horreysay ciidamada difaaca SSC ay godka Goojacadde ku garaaceen madaafiicda ridada dheer ee loo yaqaan BM-21 Grad. Khasaare lixaadle ayaa gaaray godka Goojacadde, sida uu Daljir u xaqiijiyey Korneel Tuur, uuna soo wariyey wariyaha Daljir Maxamed Cali Bile oo ku sugan aagga guutada BM-ka.

Dhanka Laascaano waxa ay Somaliland madaafiic la beegsatay Isbitaalka Guud, waxaana sida la xaqiijiyey ku naf waayey laba qof, waxaana dhaawac ah inta la xaqiijiyey hal qof.

Madaafiicda kooban ee maanta ka sokoow, Guddiga Doorashada SSC ayaa ku hawlan qabanqaabada masuuliyiinta shukaanta u qaban doona maamulka cusub ee SSC-Khaatumo oo weli ku guda jira dagaalka xoreynta degaanka, dadka qaarkiisna ku macneeyeen doon bad kacsan dhex taal una baahan samatabixin.

Guddiga ayaa haatan gacanta ku haya Xeerka Doorashada iyaga oo qaab dastuuri ah oo dhaqangal noqda qaabaynteeda habeen iyo maalinba u majaxidhan, kaashanayana koox sharciyaqaano ah.

Ka sokow xeerarka aan hore u jirin ee haatan yagleelka ah, waxaa maanta magaalada Garoowe soo gaadhey Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo Zambia safar shaqo dib uga soo noqday, muhiimna u ahaa in ay joogaan xilliga doorashada oo door lixaad leh ay ku leeyihiin madaxda Puntland iyo qaar kamid ah beesha caalamka.

Dhinaca kale waxaa markii ugu horreysey musharaxnimadiisa fagaare ka shaaciyey Cabdulqaadir aw-Cali oo loo yaqaan Cabdulqaadir Firdhiye, ahna nin muddo dheer ku noolaa wadanka Kenya, aqoontiisana waxa lagu sheegay heerka dhexe ee Jaamacada. Firdhiye waa nin taageero xooggan ku dhex leh bulshada SSC, waxaana lagu ammaanaa inuu aad uga dhex muuqan jirey kulamadii halganka ee soo socdey 13kii sano ee la soo dhaafay, khaasatan asaaskii ururka SSC.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda illaa saddex musharax oo kale ay isu diyaarinayaan shaacinta musharaxnimadooda, dhamaantood ay wada yihiin Qurbajoog.

Maxamed Lakin | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0