Wararkii ugu dambeeyay rasaas weli laga maqlayo Hoteelkii la weeraray

Wararkii ugu dambeeyay rasaas weli laga maqlayo Hoteelkii la weeraray

Waxaa weli rasaas xoogan laga maqlayaa Hotelka Reys oo kuyaalla Xeyndaabka Madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo xalay weerar qaraxyo ku billaawday ay ku qaadeen rag katirsan Ururka Al-Shabaab.

Dhammaan waddooyinka soo gala Madaxtooyada Soomaaliya waxaa saaka la dhigay Ciidamo aad u farabadan oo isugu jira Boolis iyo Millateri, kuwaas oo dadka iyo gaadiidka u diidaya inay dhinaca Madaxtooyada soo aadaan.

Mas’uuliyiin, dad Shacab ah iyo syaasiyiin ayaa laga soo badbaadiyay Hotelka Reys ee weerarka lagu qaaday, kaas oo la sheegay in rag hubeysan ay weli gudihiisa kujiraan.

laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan weli faah faahin rasmi ah ka bixin weerarka marka laga reebo qoraal kooban oo xalay Booliska kasoo baxay kaas oo lagu sheegay in uu socdo howlgalka lagu soo afjarayo ragga weerarka geystay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com