Haweenka ku jira Aqalka Sare oo dib u eegis ku sameeyey xeer loo gudbiyey

Haweenka ku jira Aqalka Sare oo dib u eegis ku sameeyey xeer loo gudbiyey

Haweenka Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare, ayaa dib u eegis iyo wax ka bedel ku sameeyay Xeer-hoosaadkooda.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen inta badan Sanatarrada Haweenka Aqalka Sare oo kaashanaya Abuukaatayaasha waaxda shuruucda Aqalka Sare ayaa wax ka bedel iyo toosin ku sameeyay ilaa iyo afar qodob ee Xeer-hoosaadka Haweenka Aqalka Sare, iyagoo ku ballamay maalmaha soo socda kulamo kale oo lagu dhamaystirayo qodobada kale ee Xeer-hoosaadka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com