Wararkii ugu dambeeyay ee Falastiin iyo Israa’iil

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay ee Falastiin iyo Israa’iil

Ciidamada Israel ayaa maanta oo Jimco ah sii wada duqeymo ay ka geysaneyso marinka Qaza ,iyagoo adeegsaneysa diyaaradaha dagaalka iyo taangiyo la dul

Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madxtooyada Garoowe Ku Qaabiley Qunsulka Cusub ee Itoobiya u Fadhiya Puntland
Gudoomiyihii Hore ee Gudiga Doorashooyinka Puntland Weriye Axmed Kismaayo oo Geeriyoodey
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Ciidamada Israel ayaa maanta oo Jimco ah sii wada duqeymo ay ka geysaneyso marinka Qaza ,iyagoo adeegsaneysa diyaaradaha dagaalka iyo taangiyo la dulkeenay meel u dhow deegaanada Falastiiniyiinta ee go’doonsan.

Ugu yaraan 119 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 31 carruur ah, ayaa la dilay ,in ka badan 830-na waa la dhaawacay tan iyo markii ay dagaallada qarxeen Isniintii.

Boqolaal qoys oo reer Falastiin ah ayaa gabbaad ka dhigtay dugsiya ay maamusho Qaramada Midoobay ee waqooyiga Gaza si ay uga badbaadaan madaafiicda Israel.

Dhanka kale, kooxo Israa’iil ah iyo Carab ayaa ku dagaallamaya gudaha Israa’iil, taasoo keentay in madaxda Israaiil ay ka digaan dagaal sokeeye.

Wasiirka gaashaandhigga Benny Gantz ayaa amar ku bixiyay in la xoojiyo amniga si loo xakameeyo qalalaasaha ka jira gudaha oo illaa hadda loo xiray in ka badan 400 oo qof.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: