Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madxtooyada Garoowe Ku Qaabiley Qunsulka Cusub ee Itoobiya u Fadhiya Puntland

Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madxtooyada Garoowe Ku Qaabiley Qunsulka Cusub ee Itoobiya u Fadhiya Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 January 2019 qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Qunsulka Cusub ee Itoobiya u fadhiya Dowladda Puntland Gen Mabratu Waldo Aragay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kulanka uu la qaatay qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacawday Dowladda Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay waxaa qayb ka ahaa saraakiil ka tirsan xafiiska qunsuliyada Itoobiya ee Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland ayaa ka mahad naqay sida maamuuska iyo meeqaamka sare leh ee Madxweynaha Puntland ugu qaabiley xafiiskiisa, waxaana uu qunsulku sheegay in uu dar-dargalinaayo wada shaqaynta Puntland iyo Eithopia,

Dhinaca kale qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay ayaa badalay qunsulkii hore Itoobiya u fadhiyey Dowladda Puntland Mudane Asmalaash oo mudo 13 sano hayey xafiiska.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qunsulka cusub uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimid, sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Itoobiya iyo Puntland ay yihiin deris, ayna wadaagaan soohdimo muhiima, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay dar-dargelinta wadashaqaynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo Puntland,

Madaxweyne Deni ayaa ka guddoomey Qusulka hadiyad ka kooban hiddiyo dhaqanka Soomaalida.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com